Folkaano ka qaraxday dal Yurub ku yaalla.

0
89

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Folkaano ayaa ka qarxday koonfur-galbeed Iceland – waxay ka bilaabatay meel u dhow magaalada kalluumeysiga caanka ku ah ee Grindavik, taas oo dadka laga daadgureeyay.

Madaxweynaha Iceland Gudni Johannesson ayaa sheegay in aysan jirin wax noola ah oo khatar ku jira kadib markii ay saaka qaraxday Foolkanaha.

Qoraal uu soo dhigay X (oo hore u ahaan jiray Twitter), Johannesson wuxuu xaqiijinayaa in magaalada Grindavik si guul leh xalay dadka looga saaray habeenkii.

Qaar ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ayaa laga yaabaa inay khatar ku jiraan, ayuu yiri, laakiin wuxuu ku daray inaysan jirin wax hakad ah oo ku yimid duullimaadyada – sidii dhacday xilligii qaraxyadii hore.