France Vs Poland : Waa Markii Labaad Ee Ay Isku Arkayaan Koobka Aduunka

0
137

Baladweyne (Radio Beerlula)-France ayaa isha ku haysa in ay gaaraan guul kuwaasi oo ujeedkooda ugu weyn   yahay in koobkaan ay ilaalsadaan kaasi oo ay qaadeen 2018-dii

Xogta Kulanka

*Kulankan ayaa noqon doona kulankii labaad ee ay isku arkaan France iyo Poland koobka adduunka, iyadoo midkii hore uu ahaa ciyaartii kaalinta saddexaad ee Play Off-ka ee tartankii 1982 – 3-2 ay ku badisay Poland.

*France ayaan laga badinin todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay wajaheen Poland tartamada oo dhan (3 guul iyo 4 bar bar dhac ), guuldaradii ugu danbeysay ee iyaga ka soo gaarta waxay aheyd Ogosto 1982 (0-4

*France ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee difaacanaya koobka aduunka ee gaadha wareega 16ka tan iyo Brazil sanadkii 2006. Dalkii ugu danbeeyay ee koobkan difaacanaya ee ku baxa wareega 16ka ayaa ahaa Italy sanadkii 1986 kii oo 2-0 ku garaacay France.

*Ciyaartan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Poland ee wareega bug baxa ee koobka aduunka tan iyo 1986, markaasoo ay guuldaro 0-4 ah kala kulmeen Brazil wareega 16-ka .