Frenkie De Jong Oo Ka Farxiyey Kooxdiisa Barcelona Ka Hor Ciyaarta El Clasico Ee Real Madrid

0
124

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war fiican ka heshay xiddiga reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo ay rajaynayaan in uu dib ugu soo laabto garoomada kaddib dhaawac kuraanta kasoo gaadhay oo uu toddobaadyo ku maqnaa.

Frenkie de Jong ayaa galay wajigii ugu dambeeyey ee soo kabashadiisa, waxaanu kasoo horreynayaa waqtigii la filayay in uu kusoo laabto garoomada.

26 jirkan oo laga saaray garoonka daqiiqaddii 36aad ee ciyaartii Celta Vigo ay guusha waqtiga dambe ah ka gaadheen 23kii September, ayaa waxa la sheegayay, in uu muddo lix usbuuc ah garoomada ka maqnaanayo, hase yeeshee bil isaga oo aan gaadhin ayaa la sheegay in uu u dhowyahay inuu ka bogsado dhaawacaas.

Laacibkan ayaa laga reebay ciyaarihii caalamiga ahaa ee bisha October ee xulkiisu uu halista ugu jiray in uu ka hadho tartanka Euro 2024, sidoo kalena waxa shaki la gelinayay kulanka El Clasico ee October 28, balse wargeyska Mundo Deportivo ayaa waxa uu sheegay in ay jirto rajo ah in uu laacibkani diyaar u noqonayo ciyaarta Real Madrid.