Funaanad maaliyad ah oo lagu iibiyay lacag dhan 10 malyan oo doolar

0
166

Baladweyne (Radio Beerlula)-Funaanad uu xirtay halyeygii kubbadda koleyga ee Michael Jordan intii lagu guda jiray ciyaartii furitaanka ee 1998-dii ee NBA Finals ayaa lagu iibiyay lacag dhan $10.1 oo doolar.
Tani waa qiimihi ugu badnaa ee funaanad isboorti ah lagu iibiyo inta la ogyahay taariikhda.
Aqalka xaraashka ee Sotheby’s wuxuu leeyahay funaanadda waxay soo jiidatay farshaxaniisteyaal badan iyo taageerayaasha isboortiga ee aruuriya xusuusaha.
Waxay ahayd mid xasuusinaysa xilli ciyaareed lagu xusay dokumentiga Netflix ee The Dance Dance – kaasoo oo Jordan oo ku guuleystay horyaalkiisii lixaad iyo kii ugu dambeeyay ee NBA.
Khamiistii, shirkadda Sotheby’s waxay sheegtay in funaanadda Jordan ee Chicago Bulls ay soo jiidatay wadar ahaan 20 dalab.
Madaxa Sotheby, Brahm Wachter, ayaa sheegay in tartamayaashii doonayay inay iibsadaan funaanadda “ay u hamuun qabeen inay yeeshaan taariikh naadir ah”.