Fursadaha Man City Ee Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan Oo La Qiimeeyay Ka Hor Kulanka Real Madrid.

0
131

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wakiilka Yaya Touré ayaa xaqiijiyay in “Habaarkii” laga qaaday Manchester City, islamarkaana ay haatan ku guuleysan karaan Champions League.

Dimitri Seluk oo ah wakiilka Yaya Toure ayaa horay u sheegay in Pep Guardiola uuna ku guulaysan doonin champions League kadib markii uu si xun ula dhaqmay xiddiga khadka dhexe ee Yaya Toure markii uu ugu yimid Man City.

Guardiola ayaa ku fashilmay in uu Man City ku hogaamiyo champions League intii uu joogay kooxda inkasta oo uu xitaa kooxda geeyay final-ka tartanka.

“Waxaan rabaa in aan raaligelin ka bixiyo arrintan, waxaan u maleynayaa in la joogo waqtigii Arintan joogsan lahayd, waana ogahay in Yaya uu dareemayo si la mid ah sababtoo ah mar walba waxa uu guul la rabaa Man City”.

“Haatan waxa aan odhan karaa Man City waa laga qaaday “Habaarkii” waxana aan u malaynayaa in ay Man City ku guulaysan doonto champions League iyaga oo uu hogaaminayo Pep Guardiola”.

Man City ayaa Real Madrid la ciyaari doonta Semi-final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya 2 kulan u jira in ay markii 2-aad iska xaadiriyaan final-ka tartanka.