Gaadiid lagu wareejiyay qaar ka mid ah wasaaraddaha Jubbaland

0
125

Baladwayne (  Radio Beerlula )-Wasiirka qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa lix gaadiid ah ku wareejiyay wasaaraddaha Beeraha, xanaanada xoolaha, deegaanka, tamarta iyo biyaha Jubbaland.

Lacagta lagu soo iibiyay gaadiidkan oo laga bixiyay mashruuca barwaaqo ee uu tageero bangiga Adduunka ayaa loogu talo galay in gaadiidkan loogu adeego bulshada dowlad goboleedka Jubbaland, waxana munaasabadan lagu wareejinayay gaadiidkan goob joog ka ahaa wasiirada beeraha, xanaanada xoolaha, deegaanka, tamarta iyo biyaha.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey