Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud uuna weheliyo Agasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa gaadiid ku wareejiyey Xarumaha Dakhliga Wasaaradda ee gobollada Dowladda Goboleedka Puntland
Wareejinta Gaadiidkan waxaa ka soo qaybgalay Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Goboleedka Puntland Xisaabiyaha Wasaaradda ee gobolka Nugaal, iyo Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Deeqaha Dibada.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


