Gabadh dhiigga caadada ceeb looga dhigay oo isdishay

0
338

Baladweyne(Radio Beerlula)- Gabadh iskuuley ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa isdishay ka dib markii sida la sheegay ceeb looga dhigay inuu ku dhacay dhiigga caadada, dharka iskuulkana uu uga hallaabay.

Hooyada dhashay gabadha 14 kirka ahayd ayaa sheegtay in gabadheeda ay isdaldashay ka dib markii uu si xun u bahdilay acallinkeeda, sida ay maanta shaaciyeen warbaahinta dalka Kenya.

Ciidamada booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday inay kala eryaan qiyaastii 200 oo waalidiin ah oo mudaharaad ku sameeyay bannaanka hore ee Iskuulka ay gabadha dhimatay dhiganeysay.

Kenya ayaa sanadkii 2017-kii meel marisay sharci dhigaya in gabadha iskuulleyda ah fasalladooda loogu geeyo agabka loo isticmaalo in la isaga nadiifiyo dhiigga caadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here