Gabadh saaxiibkeed heshiis guur kaga baxday oo ay maxkamad xukuntay

0
134

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taal magaalada Kanungu ee dalka Uganda ayaa ku amartay haweeney inay lacag ka badan 2,700 oo doollar oo magdhow ah siiso saaxibkeedii hore, kaddib markii ay jabisay ballan qaad ah inay guursaneyso.

Dukumiintiyada maxkamadda ayaa muujinaya in Richard Tumwine iyo Fortunate Kyarikunda, oo labaduba ah macallimiin, ay bilaabeen xiriirkooda 2015, iyadoo markii dambe ay galeen heshiis guur sannadkii 2018.

Maxkamaddu waxay sidoo kale dhageysatay in Tumwine, oo ah macallin, uu dhaqaale ahaan Kyarikunda ka taageeray kharashaadka shahaado diploma ah oo kuliyadda sharciga ah taas oo ay ka baraneysay  Xarunta Horumarinta Sharciga halkaas oo uu ku kharash gareeyay in ka badan 2,500 oo doolar.

Garsooraha darajada koowaad ee Kanungu Asanasio Mukobi ayaa xukumay in mar haddii Kyarikunda aysan oofin ballankii guurka, uu Tumwine xaq u leeyahay inuu dib u helo  lacagtii uu ku kharash gareeyay.