Gabadh walaalkeed kaga adkaatay doorashadii gudaha ee Maraykanka

0
86

Baladweyne ( Radio Beerlula )-LaVon Bracy Davis ayaa ka adkaatay walaalkeed, Randolph Bracy, iyada oo noqotay musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ee u tartamaya kursiga aqalka sare ee gobolka Florida.

LaVon Bracy Davis waxay heshay 42% codadkii la dhiibtay, halka walaalkeed uu noqday kan ugu dambeeyay afarta musharax isagoo helay kaliya 12%.

Hooyada labada musharax, Lavon Wright Bracy, ayaa si muuqata u muujisay dhinaca ay la safan tahay – iyadoo ahayd maamulaha ololaha doorashada ee gabadheeda, sida ku cad boggeeda Instagram.

LaVon Bracy Davis waxaa la filayaa inay ku guuleysato doorashada guud ee bisha Sebtembar, maadaama deegaanka ay u tartamayso uu yahay mid si weyn u taageera Dimuqraadiyiinta. Mid ka mid ah saaxiibada dhow ee qoyska, Geraldine Thompson oo ahayd halgamaa u doodda xuquuqda madaniga, ayaa haysay kursigan ilaa ay ka geeriyootay horraantii sannadkan.

Hooyadooda, Ms Bracy, ayaa ahayd qofka u istaagay marqaatiyeynta arooska Geraldine Thompson (maid of honour).

Qoyska Thompson sidoo kale waxay taageereen LaVon Bracy Davis, iyaga oo si rasmi ah u taageeray musharaxnimadeeda doorashadii Talaadadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here