Gabadha lagu soo daray liiska wasiiro oo saacado kadib laga saaray iyo muranka ka dhashay

0
75

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu ayaa meesha ka saaray magaca Maryam Shetty oo ah qofka baarlamanku ay ansixin lahaayeen wasiirnimadeeda iyadoo lagu badalay xubno kale.

Guddoomiyaha aqalka sare ee senate-ka, Senator Godswill Akpabio ayaa arrintan ku sheegay warqad uu madaxweynuhu u diray aqalka oo uu ka akhriyay baarlamanka.

Magacyada labada qof ee uu Madaxweyne Bola Tinubu u diray Aqalka sare ayaa waxaa ka mid ahaa Festus Keyamo iyo Dr. Maria Mairiga.

Sababta keentay in magaca Maryam Shetty laga saaro liiska wasiirada la doonayo in la ansixiyo ayaan weli la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii ay xarunta baarlamaanka isugu soo baxeen koox dad ah oo kasoo jeeda Kano si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan xilka wasiirnimo ee loo magacaabay Maryam Shetty.

Shaacinta bedelka Maryam Shetty ayaa dhalisay doodo badan oo dhanka baraha bulshada ah taasoo lagu muujinayo in ay mudantahay isla markaana ku haboontahay.