Gabadha madaxweynaha Kenya oo codsatay in nin guursaado loogu duceeyo

0
49

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Duco Alle looga baryayo inuu nin siiyo Charlene Ruto oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa waxay dalka ka dhalisay falcelin badan oo dhanka Internetka ah.

Ms Ruto waxa ay ka mid ahayd kumannaan qof oo ka qayb galay kulan duco ah dhammaadkii todobaadkii hore magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Gabadha ayaa tiri iigu duceeya nin wanaagsan

Madaxweynaha dalka, William Ruto iyo marwada koowaad ee dalka iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo xaaskiisa Dorcas ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa.