Gabdho badan oo ku biiray iskuullada Magaalada Baladweyne .

0
102

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sannadihii la soo dhaafay gabdho badan ayaa ku biiray goobaha waxbarashada Baladweyne, sida iskuullada iyo jaamacaddaha kadib markii waalidiinta ay ku baraarujeen faa’idada ay leedahay in wax la baro gabdhaha, taasoo meesha ka saartay in gabdho badan waxbarashada uga tagan meel dhexe.

Iskuulka howlwadaag ee magaalada Baladweyne ayaa ka mid ah iskuulada inta badan ay dhigtan gabdhaha.

Mamulaha iskuulka holwadaag Cabdi Calaam Cisman Xusen ayaa radio beerlulo ugua waramay ahmiyada ay leedahay in gabdhaha wax la baro.

Warbixintan Waxaa Soojeedineysa Xaawo Aadan Xuseen.