Ganacsade 24-jir Marookaan ah oo soo saaraya baabuur ku shaqeeya koronto

0
125

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ganacsade da’yar oo Morocco u dhashay ayaa rajaynaya inuu abuuro baabuur ku shaqeeya koronto oo markii ugu horreysay laga hirgeliyo Africa.
24-jirkan lagu magacaabo Mohammed Yehya El Bakkali, oo wax ku bartay kuna nool UK, ayaa aasaasay Atlas E-Mobility Group.

Shirkadooda, oo si rasmi ah u shaqo bilaabeysa Khamiista, waxay dooneysaa inay ku biirto xoogagga shirkad caalami ah oo sameysa baabuurta si ay u soo saarto SUV koronto ku shaqeeya laakiin leh naqshad dhaqameed Moroccan gaar ah oo laga sameynayo gudaha baabuurka.

Fikradda ayaa ah in baabuurta lagu dhiso warshad ku taal Morocco.
Dalka ku yaal waqooyiga Afrika ayaa mar hore isku bedelay xarun lagu sameeyo baabuurta, oo ay ku shaqeeyaan shirkado caalami ah sida Renault, waxaana ay doonayaan in uu soo saaro hal milyan oo baabuur sanadkii.

Mr El Bakkali waxa kale oo uu rajaynayaa in ay ka qayb qaadan karaan horumarinta kaabayaasha korontada ee Afrika.

Mr El Bakkali ayaa waxa uu ku kalsoon yahay in shirkadu ay ka gudbi karto caqabadahaas oo ay soo saari karto baabuur loogu talagalay dabaqadda dhexe ee sii fidaysa ee qaaradda.

Waxaa jiray ogaysiisyo ku saabsan mashruucyo kuwan la mid ah oo ay sameeyeen shirkado kale waqti hore, laakiin ilaa hadda midkoodna ma gaarin heerka wax soo saarka.

Soo saarista baabuurta Atlas E-Mobility Group waxaa la qorsheeyay in la bilaabo 2026.