Baladweyne(Radio Beerlula)- Inkastoo caqabado kala duwan oo ay ka mid tahay isticmaal la’aanta lacagta shilinka Soomaaliga ay ka jirto magaalada Baladweyne islamarkana ay sameyn weyn ku yeelatay dhaqdhaqaaq ganacsiga ayaa haddana waxaa jira dhalinyaro ka soo noqotay dalkadiisa iyo kuwa ku sugnaa gudaha dalka oo magaalada ka higeliyay ganacsiyo ka duwan kuwii ka jiray Baladweyne.
Axmed xuseen cisman oo ka soo noqday koonfurta Suudaan ayaa magaalada Baladweyne ka hirgeliyay goob lagu iibiyo qalabka Alamuuniyoonka iyadoo markii hore loo doonan jiray meel ka baxsan Baladweyne.
Axmed Xuseen Cismaan ayaa Radio Beerlula u sheegay in ganacsiga uu hirgeliyay ay fursado shaqo ka heleen dhalinyaro badan.
Qaar ka mid ah shacabka magaalada Baladweyne ayaa bogaadiyay goobaha ganacsi ee cariga ee laga hirgeliyay magaalada.
Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.