Gantaalkii ugu awooda badan oo hawada sare loo diray oo burburay.

0
48

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ganacsade Maraykan ah oo lagu magacaabo Elon Musk ayaa markii labaad gantaalkiisa Starship ka riday xarunta gfantaalada ee gobolka Texas, waana markii labaad.

Gantaalka ayaa socday ilaa siddeed daqiiqo ka hor inta aysan SpaceX sheegin in uu lumiyay xiriirkii, oo uusan soo afjarin duulimaadka tooska ah.

Qaybta sare ee gantaalka ayaa ka go’day qaybta hoose taasoo keentay inuu qarxo.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in gantalkan uu ku burburay badweynta Atlantic.