Baladweyne ( Radio Beerlula )-Duulimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa dib u farmay kadib dayactir lagu waday mudo 10 maalmood ah Qeybta diyaaradaha ku ordan ee loo yaqaano Ranweyga kaasi oo ay caqabada kala kulmi jireen diyaaradaha.
Mareeyaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne Odowaa Aamiin Jaamac oo u waramay Radio Beerlula ayaa ka warbixiyay dayactirka lagu sameeyay garoonka isagoo sheegay in maanta wixii ka biloowda uu furanyahay garoonka
Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim