Garsoore Dalbaday Inay Man City Taalo U Dhisto Madaama Uu Caawiyay

0
148

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Garsoorihii hore ee Premier League Mark Halsey ayaa ku kaftamay inuu u qalmo in taalo looga dhiso banaanka garoonka Manchester City ee Etihad Stadium.

Mark Halsey ayaa inta badan waayihiisa garsoorinimo ku qaatay Premier League laakiin ka hor inta uusan garsoore ka noqonin horyaalka Premier League wuxuu garsoore ka ahaa horyaalada hoose.

Sannadii 1999kii, waxa uu garsoore ka ahaa kulan final play-off oo horyaalka heerka seddexaad ah oo u dhaxeeyay Manchester City iyo Gillingham.

Dhamaadkii ciyaarta, shan daqiiqo ayuu Mark Halsey ku daray ciyaarta ka dib markii Gillingham ay qarka u saarneyd inay horyaalka heerka labaad u soo dalacdo ka dib labo gool ay xilli danbe dhaliyeen.

Si kastaba, Manchester City ayaa barbareysay ciyaarta markii ay goolka barbaraha dhaliyeen daqiiqadii 97aad taasoo keentay in rigoore la isla aado iyadoo Manchester City ay 3-1 ku badisay rigooradii la isla aaday.

Isagoo dib u eegayay ciyaarta, Halsey ayaa u sheegay barnaamijka Under The Cosh: “Ilaa iyo hadda dhaleeceyn ayaan la kulmaa, gaar ahaan Twitter, taageerayaasha Gillingham ayaa weli i aflagaadeeya. Alla maxay maalin aheyd, alla maxay maalin u aheyd.

“Laakiin habeenkii ayaa ka sii fiicnaa. Qaladkeyga ma aheyn in maamulka Football League ay i dejiyeen huteelkii ay deganaayeen taageerayaasha Manchester City.

“Nicky Weaver oo rigoorada u badbaadiyay City ayaa orod sameynayay halka aniga aan qolka labiska u ordayay madaama ay i ceyrsanayeen taageerayaasha Gillingham.”

Halsey ayaa hadalkiisa raaciyay: “Taageerayaasha City waa inay wax badan ii mahadceliyaan.

“Kaliya eeg halka ay joogaan maanta, ma joogi laheyn heerka ay maanta joogaan haddii aan aniga ahaan laheyn. Waa inay taalo iiga dhisaan banaanka garoonka Etihad.”

Bishii May sannadkan, Mark Halsey oo haatan ku nool Spain ayaa ka careysiiyay taageerayaasha Gillingham ka dib markii uu sawir soo dhigay Twitter finalkii Champions League isagoo ku soo qoray: “Come on City”.