Garsoore diiday siyaasadda socdaalka ee Madaxweyne Biden

0
127

Baladweyne (Radio Beerlula)-Garsoore Federaal ah oo ku sugan magaalada San Francisco ayaa diidey siyaasadda socdaalka ee madaxweyne Joe Biden Talaadadii, isaga oo ku tilmaamay sharcigiisa xaddidaya oo cidda magangelyo ka codsan karta xadka koonfureed mid aan sax ahayn oo aan habraac ahaanna loo marin.

Garsoorahan oo lagu magacaabo John Tagir ayaa sheegey in diidmada ay dhaqan galeyso 14 cisho gudaheed.

Qareenada u doodaya waaxda cadaaladda ayaa isla markiiba ka jawaabay oo soo saaray ogaysiis ay racfaan kaga qaadanayaan go’aankan maxkamad sare.

Waxaa loo badinayaa in dacwadu ay gaarto ilaa maxkamada sare.