Garsoorihii Casaanka Siiyey Cristiano Ronaldo Oo Loo Dhiibay Ciyaarta El Clasico Ee Axadda

0
83

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa magacaabay garsooraha dhaxdhaxaadin doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo is-aragooda labaad ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ku ballansan maalinta Axadda, taas oo ah ciyaar si weyn indhaha loogu hayo natiijadeeda oo waqti horeba u dhoweyn doonta Barcelona in la caleemo-saaro, halka Real Madrid ay iyaduna helayso fursad ay kusoo gaabiso farqiga dhibcahaha.

Ciyaartan oo labada kooxoodba muhiimad weyn u leh xilli-ciyaareedkooda, ayaa waxa loo magacaabay inuu garsoore ka noqdo Ricardo De Burgos Bengoetxea oo hore go’aamo fiican uga gaadhay ciyaartii ugu dambaysay ee uu labadan kooxood u qabto.

Ricardo De Burgos Bengoetxea ayaa waxa uu ahaa garsoorihii hayay ciyaartii finalka Spanish Supercup ee waddanak Sucuudiga ka dhacday ee ay Barcelona ku badisay 3-1, iyadoo horena loogu xasuusto kaadhkii casaa ee uu siiyey Cristiano Ronaldo ciyaartii El Clasico ee Spanish Supercup sannadkii 2017.

 

Garsooraha ayaa si weyn indhaha loogu hayn doonaa ciyaartan, sababtoo ah waa kulankii koowaad ee labadan kooxood dhax mara tan iyo intii ay soo baxday fadeexadda musuqa iyo laaluushka garsooreyaasha ee lagu eedaynayo Barcelona, iyadoo Real Madrid na si cad u sheegtay in loo baahan yahay in caddaaladd la mariyo.