Gawaari sida gargaar oo ku xayiran xadka Masar iyo Marinka Qasa

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gawaari sida gargaar ayaa muddo saacado ah sugaya inay ka gudbaan marinka Rafax ee xuduudda Qasa iyo Masar.

Sawirro ayaa muujinaya gawaari saf dheer ku jira, kuwaas oo sida gargaar ka kala yimid Masar iyo Turkiga oo ku sugan magaalada Cariish ee ku dhaw xadka.

 

Madaxda hay’addaha gargaarka ayaa ugu baaqay labada dhinac in gargaarka loo gudbiyo dhinaca Qasa.

Dawladdo shisheeye oo ay ku jirto UK ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda jooga Marinka Qasa in ay ku dhawaadaan Rafax, si marka loo furo xadka ay u gudbaan.

Saraakiil Maraykana ayaa sheegay in ay kala shaqeynayaan boqollaal Falastiiniyiin Maraykan ah sidii ay uga soo bixi lahaayeen Qasa, iyagoo soo maraya marinka Rafax.