Geel jahwareeriyay Ruushka.

0
1192

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dadka ku nool gobolka Astrakhan ee dalka Ruushka ayaa cabasho ka muujiyay 80 neef oo geel ah oo daaqayo halkaas.
Geelan oo uu leeyahay nin 83 jir ah oo la yiraahdo Yuri Serebryakov ayaa jahwareer ku reebay dadka ku nool ilaa saddex tuulo o ku yaalla gobolkan.
Waxay sheegeen in cabsi uu u horseeday geelan isla markaana ay uga baqayaan carruurtooda, sida uu wakaaladda wararka ee TASS u sheegay madaxa degmada
Dadkan ayaa waxay dacwad ka gudbiyeen ninkii lahaa geela.
Xafiiska dacwad oogaha gobolka Astrakhan ayaa xaqiijiyay in dacwadda ay soo gudbiyeen dadkaas ay soo gaartay balse loo baahan yahay caddeymo ka hor inta aan tallaabo la qaadin.
Shacabka waxay ku eedeeyeen geela daaqayo halkaas in uu waxyeello soo gaarsiiyay darbiyada guryahooda iyo sidoo kale in uu burburiyay dhuumaha biyaha iyo gaaska qaada ee mara dhulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here