Gianluigi Donnarumma Oo Heshiis Shakhsi Ah La Gaaray Koox Weyn Oo Premier League Ka Dhisan

0
124

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbixin ay baahisay L’Equipe ayaa sheegaysa in Gianluigi Donnarumma uu qarka u saaran yahay inuu ka tago Paris Saint-Germain, ka dib markii uu heshiis shaqsi ah la gaaray Manchester City. Hadda waxaa kaliya harsan in labada koox ay ka heshiiyaan shuruudaha heshiiska.

Goolhayaha 26-jirka ah ee reer Talyaani ayaa la sheegay inuu horey ula hadlay Pep Guardiola, isla markaana uu heshiis shaqsi ah la gaaray masuuliyiinta City.

Ka maqnaanshihiisa liiska ciyaartoyda PSG ee UEFA Super Cup-ka, oo lagu qabtay Talyaaniga, halkaas oo uu sidoo kale ka yahay kabtanka xulka qaranka, ayaa soo jiitay dareen badan.

Tababaraha PSG, Luis Enrique, ayaa ka hadlay go’aanka ka hor kulanka Super Cup-ka ee Udine, isagoo yiri:
“Go’aannada noocan oo kale ah mar walba way adag yihiin. Donnarumma waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican booskiisa, qof ahaan na aad buu u wanaagsan yahay. Laakiin waxaan raadineynay qaab ciyaareed kale… Go’aankani waa mid aniga iyo kooxda ka yimid.”

Wararka ayaa intaas ku daraya in Donnarumma uu horey uga warqabay qorshaha kooxda, xitaa ka hor guushii Champions League, iyadoo wax heshiis kordhin ah aan wali la isla gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here