Giriigga oo khubaro u saaray baaritaanka khadka tareenka dalkaasi

0
120

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ra’iisul wasaaraha waddanka Giriigga ayaa sheegay in koox khubaro ah ay baari doonaan musiibadii ugu xumeyd ee ku habsata khadka tareenka dalkaasi, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 43 qof.

Waxa uu sheegay in khalad bini’aadam ka dhacay ay u badan tahay in shilkan uu horseeday.

Hasayeeshee kooxaha ka shaqeeya khadadka tareennada ee dalkaasi ayaa sheegaya in ay muddaba wajahayeen dayacaad iyo cilado farsamo.

Xilli shaqo joojin dalka oo dhan ah ay sameeyeen maanta oo Khamiis ah.