Golaha Ammaanka ee QM oo isku raacay qaraar la xiriira Gaza.

0
70

Baladwayne (Radio Beerlula )-Ka dib maalmo badan oo wadahadalo xooggani ay ka socdeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ugu dambayn waxaa Golaha Ammaanku meelmariyey qaraar ku baaqaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la geeyo marinka Gaza, ka dib markii Maraykanka oo laga baqayey inuu adeegsado codka diidmada qaxayan, uu ka aamusay.

“Maanta waxaa golahani uu ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo gargaarka bini’aadanimo loogu ogolaanayo marin ammaan ah, iyada oo aan la carqaladaynaynin iyo in la abuuro jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waari karta” sidaas waxaa sheegtay Linda Thomas-GreenField oo ah danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay.

Linda ayaa intaas ku dartay, in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiita, iyada oo ugu baaqday labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas-ba inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Maraykanka ayaa hore codka diidmada qayaxan ugu isticmaalay qaararkii hore ee la horkeenay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo guuldaraystay.