Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Britain ayaa codsaday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka la siinayo rayidka Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza, iyagoo ka digay in xaaladda bini’aadantinimo ee halkaas ka jirta ay ka sii dareeyso.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain David Lammy ayaa ku baaqay, in si weeyn kor loogu qaado gargaarka Gaza, halkaasoo inta badan 2.3 milyan oo deganaa ay barakaceen , taasoo ay uga sii dareen dhibaatooyinka bini’aadanimo.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa uga digay Turkiga Isniintii inuu martigeliyo hoggaanka ururka Hamas.
Warbixino dhoowr ah ayaa ay tabiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay, in xubno sare oo ka tirsan hoggaanka Hamas ee ka baxsan Gaza ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen Turkiga ka dib markii laga codsaday inay ka baxaan Qatar.