Golaha Ammaanka oo u codeeyey in la joojiyo dagaalka Sudan

0
69

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay Khamiistii in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah ay gaadhaan dhinacyada ku dagaalamaya Sudan, bisha Ramadan ee barakaysan awgeed, isaga oo sheegay in la joogo xilligii ay Janaraalada ku dagaalamaya dalkaasi ay hubka dhigi lahaayeen, xilli dalkaasi uu cagaha la galay masiibo bini’aadanimo.

“Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay ixtiraamaan bisha Ramadaan ee barakaysan, isla markaana ay dagaalka joojiyaan” ayuu yidhi Guterres oo hadal ka jeediyey shir ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda bini’aadanimo ee Sudan.

Xoghayaha ayaa intaas ku sii daray in midnimada dalkaasi ay halis ku jirto, iyada oo laga cabsi qabo in dagaalada ka socda dalkaasi inay xasilooni darro u keenaan gobolka.
Kooxda Taageerada degdega ah ee Suudaan ayaa Sabtidii soo dhaweeyay baaqa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay eek u aadan in la joojiyo colaadaha bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed.

Bayaan ay soo saartay RSF waxa ay ku muujisay rajada ah in qaraarka golaha ammaanka uu “si weyn u dhimi doono dhibaatada dadka Sudan iyadoo la hubinayo in si habsami leh loo gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo” isla markaana uu u gogol xaaro hannaan siyaasadeed oo horseeda xabbad-joojin joogto ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 25 milyan oo qof – kala bar dadka Sudan – ay u baahan yihiin gargaar, ilaa 8 milyan ayaa ka qaxay guryahoodii.