Golaha wasiirada Hirshabeelle oo meelmariyay miisaaniyadda maamulka

0
252

Baladweyne(Radio Beerlula)-Shir aan caadi eheyn oo golaha wasiirada Dowladda goboleedka Hirshabelle ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Jowha ayaa ku ansixiyay miisaaniyada 2020, taasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyada Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa shir Guuddoominayay shirkani, iyadoo goob joog uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen waxaana looga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Miisaaniyada 2020, Qatarta Cudurka Saameynta ba’an ku hayo aduunka ee Coronovirus, sidi bulshada looga wacyi galin lahaa qatartaas, iyo Warbixino laga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha Hirshabelle.

Golaha Wasiirada Dowladda goboleedka Hirshabelle ayaa meel mariyay Miisaaniyadda 2020 oo ka kooban dakhliga gudaha ka soo xarooda iyo deeqaha laga helo dowladda dhexe iyo hay’adaha caalimiga ah, waxaana ay gaareysaa miisaaniyadaasi $14,010,984.

Sidoo kale golaha wasiirada Hirshabelle ayaa si qoto dheer kaga hadlay saameynta cudurka qatarta badan Ee Coronovirus, iyagoo isku raacay in si wada jir ah looga shaqeeyo ka wacyi galinta bulshada cudurkaasi waxaana la joojiyay Goobaha waxbarashada Sida Jaamacadaha, Iskuulada,dusiyada Quraanka mudo ku siman laba todobaad.

Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa loo gudbin doonaa miisaaniyadda Golaha Wasiirada maanta ay ansixiyeen si iyaguna ay codka ugu qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here