Golaha wasiirada Itoobiya oo isku shandheyn lagu sameeyay.

0
79

Baladweyne (Radio Beerlula)-Raii’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Dr Gideon Timothy u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada.

Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale wasiirka Dalxiiska u magacaabay Mrs. Seifit Kasan oo ahayd Xoghayihii Wasaaradda Isgaarsiinta Dowladda, halka Marwo Hana Araya Selasen loo magacaabay Wasiirka Cadaalada oo lagu bedelay Gedion Timotios.

Mrs. Seifit Kassa waxa ay xubin ka tahay golaha deegaanka Addis Ababa, ka hor inta aysan noqon wasiiru dowlaha isgaarsiinta, waana weriye ka soo shaqeysay warbaahinta dowladda ee Fana Broadcasting iyo warbaahinno kale.

Wasiirkii arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atsik Selassie ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here