Golaha wasiirada Jubbaland oo kulan ka yeeshay fatahaadaha ku dhuftay deegannada maamulkaasi

0
104

Baladwayne (Radio Beerlula )-Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aanan wanaagsanayn islamarkaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.