Golaha wasiirada xukuumadda federaalka oo ansixiyay xeerarka doorashooyinka iyo ururada xisbiyadda.

0
76

Baladweyne (Radio Beerlula)- Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare iyada oo golaha ay cod u qaadeen xeerarka la horkeenay.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdimajiid Aweys Isaaq.