Goobaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga oo la weeraray

0
364

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka betroolka ee Sacuudi Carabiya, Khalid Bin Cabdalcasiis Al-Faatix, ayaa sheegay in labo goobood oo kuwa betroolka laga soo saaro ah ee dalkaasi lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo walxaxa qarxa laga soo buuxiyay.

Wasiirka ayaa sheegay inuu dab ka dhashay weerarkaasi, kaas oo sababay khasaare aan sidaa u buurneyn.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in shirkadda shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ay hakisay tuubooyinkii shidaalka ka soo qaadi jiray aagaasi, oo haatan ay qiimeynayso khasaaraha, si dayactir loogu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here