Goorma Ayaa La Samaynayaa Isku-aadka Wareegga Group-yada Champions League? – Akhriso Wax Kasta Oo Aad Uga Baahan Tahay

0
191

Baladwayne ( Radio Beerlula)-Isku aadka wareegga Group-yada tartanka Champions League ayaa la samayn doonaa toddobaadka dambe, iyadoo kooxaha waaweyn ee Yurub ay mid walba ogaan doonto dariiqa dheer ee ay u mari doonto guusha riyada ee halka koox ee kaliya ay nasiibka u yeelan doonto.

Champions League oo ah tartanka ugu muhiimsan ee laga ciyaaro Yurub oo ay kasoo muuqdaan naadiyada waaweyn ee ku hubaysan awoodda dhaqaale iyo xiddigaha waaweyn ayaa diyaarinaya masuuliyiinta ay u dirsanayaan magaalada Monaco ee waddanka France ee uu ka dhacayo isku-aadka wareegga group-yada ee Champions League.
Real Madrid, Barcelona, Manchester United, Manchester City, Paris Saint-Germain iyo AC Milan ayaa ah kooxaha waaweyn ee calankoodu ka taagnaanayo tartanka Yurub ee Champions League, balse Liverpool iyo Chelsea ayaan kasoo muuqan doonin.

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka

Taariikhda: August 31, 2023

Maalinta: Khamiis

Saacadda: 7pm fiidnimo waqtiga Geeska Afrika

Goobta: Hoolka Grimaldi Forum ee magaalada Monaco

Yaa usoo baxay wareega group-yada?

32 kooxood ayaa isku aadka wareegga group-yada Champions League loo samayn doonaa. 26 ka mid ah waxay usoo baxeen marxaladdan, halka lix kalena ay isreeb-reeb usoo gelayaan.

Kooxaha ayaa waxa loo qaybinayaa afar dheri oo min siddeed kooxood ku jiraan, waxaana ugu badan oo naadiyada ugu badan ku leh Spain oo shan kooxood uga soo qayb-gelayaan, min afar kooxood oo ka imanaya waddamada England, Germany, France iyo Italy, halka inta kalena loo qaybiyo dalalka Yurub ee kale.

Afarta Dheri ee isku-aadku ka imanayo

Dheriga 1aad: Manchester City, Sevilla, Barcelona, Napoli, Bayern Munich, PSG, Benfica iyo Feyenoord

Dheriga 2aad: Real Madrid, Manchester United, Inter Milan, Borussia Dortmund, Atletico Madrid, RB Leipzig, FC Porto iyo Arsenal

Dheriga 3aad: Shakhtar Donetsk, RB Salzburg, AC Milan, Lazio, RB Belgrade, Real Sociedad, Celtic iyo koox la sugayo inay isreeb-reebka kusoo baxdo

Dheriga 4aad: Newcastle United, Union Berling, Lens iyo shan kooxood oo la sugayo inay isreeb-reebka kusoo baxaan.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada wareega group-yada Champions League

Horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ee xilli-ciyaareedka 2023/24 waxa uu bilaabmayaa September 19 oo kualmada koowaad la dheeli doono, waxaana isla maalinta xigta ee September 20 dhici doona kulmo kale oo isla wareegga koowaad ah. Waana sidan waqtiyadu:

Kulamada 1aad: September 19 & 20

Kulamada 2aad: October 3 & 4

Kulamada 3aad: October 24 & 25

Kulamada 4aad: November 7 & 8

Kulamada 5aad: November 28 & 29

Kulamada 6aad: December 12 & 13