Gooryaan nool oo markii ugu horreysay laga helay maskaxda haweeney.

0
83

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Markii ugu horreysay adduunka, saynisyahannada ayaa sheegay in gooryaan dhererkiisu yahay 8cm laga helay maskaxda haweeney asalkeeda kasoo jeedda dalka Australia.

Gooryaankan ayaa laga soo saaray qeybta hore ee maskaxda waxyeelladu gaartay ee haweeneydan ku dhalatay dalka England – xilli qalliin loogu sameynayay gobolka Canberra sanadkii hore.

Gooryaankan guduudka ah ayaa laga yaabaa inuu maskaxdeeda ku jiray muddo labo bilood ah.

Baarayaasha ayaa ka digay in kiiskan uu calaamad u yahay khatarta sare ee cudurrada iyo caabuqyada ay xayawaanku u gudbiyaan bani’aadamka.

“Qof walba oo ku jiray qolkaas qalliinka yaab baa kasoo haray markii [dhaqtarka qalliinka] uu soo qabtay wax aan caadi ahayn waxaasina wuxuu noqday gooryaan boodboodaya oo guduud khafiif ah, nool oo 8cm ah,” ayay tiri Sanjaya Senanayake, oo ku takhasusutay cudurrada faafa kana howlgasha aIsbitaalka Canberra.

“Xitaa haddii ay yaqyaqsi kula tahay, waxaa jira caabuq cusub oo aan hore loogu arkin bani’aadamka.”

Gooryaankan oo loo yaqaanno Ophidascaris robertsiroundworm wuxuu ku dhashaa masas aan sun lahayn oo inta badan laga helo Australia.

Saynisyahannada ayaa sheegay in laga yaabo in haweeneydan uu gooryaanku ku dhashay kaddib markii ay caws kasoo gurtay meel u dhow haro, halka ay ku nooleyd.