Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle, Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Greenhouse-yada cusub ee laga hirgeliyey Beerta Tijaabada ee Wasaaradda Beeraha leedahay.
Greenhouse-yadan oo loogu talagalay kor u qaadista wax-soosaarka beeraha ayaa noqon doona kuwo muhiim u ah horumarinta tiknoolojiyadda casriga ah ee dhanka beeraleyda, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.


