Guardiola oo uga digay ciyaartoyda Man City khatarta Man United kahor kulanka Manchester derby

0
160

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa uga digay ciyaartoyda City qatarta Manchester United, kahor inta aysan labada kooxood ku kulmin kulanka Manchester derby.

Kulanka Manchester City Derby ee u dhexeeya City iyo United ayaa ka dhici doona Axadda soo socota, garoonka Etihad, kulankan ayaana ka tirsan kulammada Isbuuca 9-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Guardiola ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka Manchester derby, wuxuu ka hadlay waxyaabo badan, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waa inaan ciyaarnaa kulan qumman Axadda, Man United waxay kugu ciqaabi doontaa meelo yaryar.”

“Ma noqon karno kuwo caajis ah, Waa in aad is dejiso oo aad go’aan sax ah qaadato, Marka aad welwelsan tahay, way adag tahay inaad qaadato go’aanka saxda ah.”

“Kulammadan, waa inaadan ka baqin, iskuna day inaad si fiican u ciyaarto, haddii aad sidaas sameyso, natiijadu waxay noqon doontaa inaad guuleysato.”

“Manchester United waxa ay leedahay awood jireed iyo tayo khadka dhexe, daafacyada kooxda waa kuwo aad u adag, tayada ay leeyihiin waa mid aan shaki ku jirin.”

“Man United waxa ay natiijo fiican ka gaartay Southampton meel ka baxsan garoonkeeda iyo Arsenal, tanina waxa ay u tahay dhiirogalin iyaga.”

“Darby-ga waa tartan weyn oo ka jira magaalada, waxaan isku dayi doonaa inaan arko waxa ay sameyn doonaan iyo waxa aan sameyn karno si aan uga badino.”