Baladweyne (Radio Beerlula)- Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikarim Axmed Xassan oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo si rasmi ah loo bilaabay diwaangelinta ururada siyaasadda dalka.
Sidoo kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Cabdikariin Axmed Xassan ayaa sheegay in la bilaabay diyaarinta goobaha codbixinta si doorasho qof iyo cod ah loogu qabto bisha June oo lagu soo dooran doono xubnaha dowladaha hoose ama golaha deegaanka.
Madasha wadatashiga qaranka oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa bishii October ee sannadkii 2024-ka isku raacay in doorashada dowlaha hoose la qabto bisha June halka doorashada baarlamanka dowlad goboleedyada iyo hogaanka maamul goboleedyada ay dhici doono bisha September, inkastoo go’aankan aysan qeyb ka aheyn Puntland iyo Jubbaland.
Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.