Guddiga doorashada oo ku dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee wareega labaad ee doorashada Turkiga

0
117

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha Gudiga Sare ee doorashada Turkiga (YSK) Ahmet Yener, ayaa sheegay in la aadi doono wareeg labaad oo doorasho, maadaama uusan jirin buu yiri musharrax helay 50+1.

Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in wareegga labaad la qaban doono 28-ka bishan May, waxaana wareeggaas u gudbaya oo kaliya Madaxweyne Erdoğan iyo musharraxa mucaaradka Kemal Kılıçdaroğlu.

Yener waxa uu yidhi, “Sida ku cad natiijooyinka hordhaca ah, waxa la ogaaday in Edogan uu helay 49.51%, Kılıçdaroğluna uu helay 44.88%. Ogan ayaa helay 5.17%, halka İnce uu helay 0.44%.

Guddoomiye Yener, ayaa ku dhawaaqay in haatan wixii ka danbeeya la sameyn karo olole siyaasadeed, si looggu diyaar garoobo tartanka doorashada wareega labaad.

Dhanka kale, Xisbiga madaxweyne Erdoğan iyo xulufadiisa ayaa ku guuleystay aqlabiyadda golaha baarlamaanka, taas waxay ka saacidi kartaa bay leeyihiin dadka qaar inuu mar kale ku guuleysto kursiga madaxweynaha dalka.