Baladweyne ( Radio Beerlula )-Culimada deegaanka Cadaan Laxeey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo kulan ku yeeshay deegaankaasi ayaa codsaday in dayactir loogu sameeyo masjidka deegaanka oo burbur xooggan soo gaaray.
Masjidkaan oo ah mid qadiimi ah ayaanan leheen Musqulo, Qeybaha suulida iyo weeysada , iyadoo dhismaha korana uu ku dhawyahay inuu burburo taas oo halis ku ah bulshada ku cibaadeysanaya.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.


