Guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle oo kormeeray saldhiga booliska iyo qeybo ka mid ah Baladweyne

0
562

Baladweyne(Radio Beerlula)- Gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cisman Barre Maxamed oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka gobolka hiiraan maaliyadda iyo siyaasadda Xasan ibraahim Cabdulle iyo gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmad Foodcade ayaa kormeeray saldhiga booliska degmada B aladweyne  iyo qeybo ka mida magaalada .

Taliyaha saldhiga baladweyne gaashaanle Cabdi Cumar siyaad ayaa gudoomioyaha baarlamaanka Hirshabeelle iyo masuuliyiintii kale uga war bixiyay xaalada ay ku shaqeeyaan ciidamada booliska Baladweyne iyo dhibaatooyinka heysto.

Gudoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmad Ibraahim ayaa sheegay in ciidamada booliska habeen iyo maalin u taagan yihiin shaqada ay bulshada u hayaan ee ah sugida amniga waxaana uu gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ka codsaday in  uu ka shaqeeyo sidii ay u helilahaayeen xuquuqda ka maqan ciidamada booliska Baladweyne.

Gudoomiyaha baarlanaanka Hirshabeelle Cisman Barre Maxamad ayaa sheegay in shaqo adag ay hayaan boolisku islamarkaana uu ka shaqeeynayo sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ka maqan waxaana shacabka baladweyne ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada booliska .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here