Baladweyne(Radio Beerlula)- Xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay dardargelinta howlaha horyaalka maamulka gobolka, waxana kulankan ka qeyb galay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal ku xaliyo cid kasta oo wax tabaneysa.
Cali Jeyte Cismaan ayaa ka codsaday culumaaudiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Baladweyne inay u istaagan sidii alle loo bari lahaa si bulshada uga badbaadiyo cudurka karoona islamarkana qur’aan la akhristo.