Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Arrimaha gudaha maamulka puntland ayaa magaalada Carmo ku qabatay munaasabad lagu dooranayay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmadaasi.
Tirada Xildhibaanada codeeysay ayaa waxa ay ahaayeen 27 Xildhibaan kuwaasi oo si aqlabiyad ah u doortay Maxamed Gelle Saciid oo kamid ah Golaha Xildhibaano Degmada Carmo waxaana ka qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal iyo qaybaha kale ee bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey


