Guddoomiyaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug oo xilka la wareegay.

0
303

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Galmudug Cumar Maxamed Diriye (Guureeye) ayaa xilka u kala wareejiyay Gudomiyihii hore ee magaalada Hobyo cabdullah Axmed Cali Faad iyo gudoomiyaha Cusub Cisman Axmed Cabdulle.
Munaasabaddan xil wareejintan ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada Hobyo, saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, odayasha dhaqanka, dhalinyaro iyo haween.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmed.