Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Dhagax dhigay dhameys-tirka dhismaha wadada Kaxda.

0
198

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dhameystirka dhismaha wadada laamiga ee Degmada Kaxda oo laga hirgalin doono dagmadaasi.

Madasha dhagax dhiga waxa goobjoog ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir gudoomiyaha degmada Kaxda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.