Guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan oo la doortay

0
390

Baladweyne(Radio Beerlula)- Faarax  Cabdi  Cali ayaa ku guuleystay inuu noqdo guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan iyadoo doorashadan ay kula loolameen labo musharax oo kale.

21 ergo oo kala socota shanta degmo ee gobolka Hiiraan ayaa codeysay doorashada.

Wasiiro, xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle, ururada bulshada rayida iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa  goob joog ka ahaa doorashadan oo maanta ka dhacday Baladweyne.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdiwahab Abukar Xassan ayaa ku dhawaaqay natiijada.

Faarax Cabdi Cali ayaa helay 13 cod halka Cabdi Muumin Cilmi uu helay 8 cod,waxana doorashadan wax codad ah helin Cabdinaasir Daahir Cilmi, waxana si wada jir ah u sheegeen inay gacmaha is qabsan doonaan.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Hirshabeelle Maxamed Cabdulahi Buraale, Wasiirka madaxtooyada Hirshabeelle Cabdulahi Maxamed Cadow iyo wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka Khalif Muumin Tooxow ayaa haddalo dardaaran ah u jeediyay guddoomiyaha la doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here