Guddoonka isboortiga gobolka Hiiraan oo la magacaabay

0
149

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada ciyaaraha Maamulka Hirshabelle Mudane Mohamed Aynte ayaa u magacaabay Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobalka Hiiraan Mudane Cabdi Muxumad Aadan (Cabdi Kabadorog) kadib markii xilka laga qaaday Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobalka Hiiraan Mudane Cabdullahi cilmi odawaa (Dhaaleey) sidoo kale xoghayaha Ciyaaraha Gobalka Hiiraan waxaa loo magacaabay Mudane Xasan Xuseen Yaxye (Macquul).

Xubnahaan la magacaabay ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay dardargeliyaan howlaha loo igmaday oo ah Horumarinta Isdhexgalka Xirfadaha Dhallinyarada Gobalka Hiiraan.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Hirshabelle ayaa mudooyiinkii dambe waday dadaalo kor loogu qaadayo Xirfadaha iyo isdhexgalka Dhallinyarada gobalka Hiiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here