Guddoonka waxbarashada gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay in shahaadooyinkii loo doonan jiray Muqdisho laga qaadan doono Baladweyne

0
309
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxa Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Gobolka Hiiraan Cabdi Shiikh Cali Salaad  ayaa radio Beerlula u sheegay in wixii hadda ka dambeeyay ardeyda ka baxday dugsiyada sare ee gobolka Hiiraan ay shahaadooyinkooda ka heli doonaan xafiiska guddoonka waxbarashada gobolka ee magaalada Baladweyne maadaam markii hore ay u doonan jireen magaalada Muqdisho.

Cabdi sheikh Cali Salaad ayaa macalimiinta wax ka dhiga iskuullada ku yaalla gobolka Hiiraan ka dalbaday inay ku dadaalan waxbarashada jiilka soo koraya.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here