Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaarayo Champions League

0
210

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulammo ka tirsan heerka guruubyada UEFA Champions League ayaa caawa la ciyaari doona, iyadoo ay ku jiraan kulammo waa weyn.

Kooxaha waa weyn ee ciyaari doona waxaa ka mid ah Chelsea, AC Milan, Real Madrid, Manchester City, Juventus iyo Paris Saint-Germain.

Waxaa indhaha lagu hayn doonaa kulanka ay Manchester City booqanayso naadiga Borussia Dortmund, xilli Haaland uu caawa dib ugu laaban doono garoonka kooxdiisii hore ee reer Jarmal.

Real Madrid ayaa dalka Jarmalka kula ciyaari doonta caawa RB Leipzig, xilli xiddigo muhiim ah ay ka maqan yihiin Los Blancos, sida Benzema, Modric iyo Valvarde.

Kooxda Chelsea ayaa u safri doonta FC Salzburg, Kooxda Juventus ayaa booqanaysa Banfica, halka Paris Saint-Germain ay soo dhoweyn doonto Maccabi Haifa.

Halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada laga ciyaari doono caawa heerka Guruubyada ee Champions League:-

Group E

07:45 Fiidnimo FC Salzburg vs Chelsea

10:00 Habeennimo Dinamo Zagreb vs AC Milan

Group F

10:00 Habeennimo Celtic vs Shakhtar Donetsk

10:00 Habeennimo RB Leipzig vs Real Madrid

Group G

07:45 Fiidnimo Sevilla vs FC Copenhagen

10:00 Habeennimo Borussia Dortmund vs Manchester City

Group H

10:00 Habeennimo Benfica vs Juventus

10:00 Habeennimo Paris Saint-Germain vs Maccabi Haifa

FG: Guud ahaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika.