Guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray Champions League

0
10

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa caawa la ciyaaray kulamo ka tirsan heerka guruubyada Champions League, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen kuwo kooxo waa weyn ay wada ciyaareen.

Kooxda difaacaneysa tartankan ee Real Madrid ayaa guul dirqi ah kaga gaartay garoonkeeda Santiago Bernabéu kooxda RB Leipzig, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, goolka Los Blancos waxaa u kala dhaliyay goolasha Valverde iyo Asensio

Dhinaca kale Manchester City ayaa guul soo laabasho ah ka heshay kooxda Borussia Dortmund oo marti u ahayd, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, iyada oo goolasha City ay u kala dhaliyeen Stones, iyo Haaland.

Dhankeeda kooxda Paris Saint-Germain ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay naadiga Maccabi Haifa, waxayna kaga soo adkaatay 1-3, goolasha PSG waxaa u kala dhaliyay Messi, Mbappe iyo Neymar.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group A

Rangers 0-3 Napoli

Group E

AC Milan 3-1 Dinamo Zagreb

Chelsea 1-1 FC Salzburg

Group F

Shakhtar Donetsk 1-1 Celtic

Real Madrid 2-0 RB Leipzig

Group G

FC Copenhagen 0-0 Sevilla

Manchester City 2-1 Borussia Dortmund

Group H

Juventus 1-2 Benfica

Maccabi Haifa 1-3 Paris Saint-Germain.