Baladwayne ( Radio Beerlula )-Sida la qorsheeyay guur wadareed illaa 100 agoon ah la isugu guurin rabay dalka Nigeria ayaa la joojiyay kaddib markii ay soo shaac baxday dood la xiriirta daahfurnaanta habka loo maamulay qorshaha.
Meherka, oo la qorsheeyay in uu dhaco dhammaadka bishan, ayaa waxa maal galiyay Cabdulmaalik Sarkindaji oo ah afhayeenka golaha muslimiinta gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria.
Guurkan ayaa loogu talagalay agoonta xubnaha qoysaskooda ku waayay weerarrada burcadda hubeysan.
Waxa soo baxay cambaarayn ku aadan in hablaha qaar ay da’yar yihiin, isla markaana la qasbay iyadoo la eegayo fursado dhaqaale.
Laakiin golaha imaamyada Nigeria ayaa sheegay in guur wadareedku dhici doono 24 May ee nagu soo socota, waxayna ku adkeysteen in gabdhuhu aanay da’yar ahayn oo ay da’da guurka gaareen.